Somaliland oo xiriir diblomaasi la sameysatay Taiwan & Shiinaha oo ka carooday (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneyso dalka Taiwan.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Taipei ku kala saxiixday Wasiirka arrimaha dibedda ee Taiwan Joseph Wu La-Taliyaha Madaxweynaha Somaliland Yaasiin Hagi Maxamuud

Dalka Taiwan ayaa sheegta sida Somaliland oo kale inuu ka madax banaan yahay. kana go’ay Shiinaha balse ma jirto cid aqoonsatay illaa hadda.

“Xiriirka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo Taiwan waxaa lagu dhisay qiyam wadaag iyo is ixtiraam,” ayuu Biixi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka isagoo intaa raaciyay in Somaliland ay xafiis dhowaan ka furan doonto Taiwan.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Taiwan Joseph ayaa u sheegay wariyeyaasha magaalada Taipei inuu jiro xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin Somaliland, isagoo xusay in sideed wadan oo kale ama hay’ado caalami ah ay xafiisyo ku leeyihiin Somaliland, kuwaasoo ay ku jirto Ethiopia.

“Somaliland waa wadan madax banaan, Waxaan u maleynayaa in waxa aan sameyneyno aysan aad uga duwaneyn dalalka kale,” ayuu yiri Wu.

Hase ahaatee Dowlada Shiinaha ayaa si weyn uga carootay xiriirka Somaliland sheegtay iney la yeelatay Taiwan.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Safaarada China ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan oggolaanay in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta.

Waxaa jira hal China. Taiwan waa qayb ka mid ah China isla markaana Dowladda Shiinuhu waa midda qura ee sharci ah ee wada metesha Shiinaha oo idil, Marna qof, urur, ama xisbi siyaasadeed kama ogolaan doonno inuu qayb yar ka jaro gayiga Shiinaha xilli kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb aan laga qaadi karin Shiinaha” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho

Dowlada Somalia ayaan a hadlin xiriirkan diblomaasi ee Somaliland iyo Taiwan sheegayaan iney yeelanayaan, iyadoo arrintan ku soo beegantay xili dhowaan DF iyo Somaliland heshiisyo ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -