Xog: Khilaaf xooggan oo mar kale ka dhex bilowday Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Khilaaf xooggan oo ku saabsan arrimaha doorashada ayaa mar kale ka dhex bilowday Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Khilaafka ayaa yimid  markii Madaxweyne Deni uu suuqa ka qortay shakhsiyaad uu ku tilmaamay in ay yihiin 17-kii xildhibaan ee Reer SSC, kuwaasoo aan haysan saxiixa isimada SSC

Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayey wararku sheegayaan inuu talaabadaas ka hor yimid, maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya SSC ee ku jira maamulka Puntland.

Labada masuul ayaa waxaa la sheegay inuu hadda ka dhex taagan yahay muran culus kaasoo aan la ogeyn halka uu saldhigan doono.

Musharrixiinta Mucaaridka ayaa sidoo kale ka horyimid xubnaha uu Deni suuqa ka qortay ee metelaya xildhibaannadii SSC laga soo dooran jiray.

Waxay ku baaqeen in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maadaama reer SSC samaysteen maamul gaar ah, islamarkaana ay go’aansadeen in aysan ka qayb gelin doorashada Puntland.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay xalay Garowe ayaa sheegay in doorashada lagu geli doono 66 xildhibaan, taasoo ka dhigan inuu waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii reer SSC-khaatumo.

 

- Advertisement -