Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu dilay weerarka Xamaas iyo qaar lala’ yahay

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegtay in ugu yaraan sagaal muwaadin oo Mareykan ah lagu dilay weerarrada ay Xamaas ku qaaday Israa’iil dhamaadkii todobaadka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in tiro aan la cayimin oo muwaadiniin Mareykan ah ay weli maqan yihiin oo aan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin. Ma cadda in dadka la la’yahay la qafaashay, in la dilay iyo in ay dhuumaalaysi ku jiraan.

Waaxda Arrimaha Dibadda waxay la xiriirtay qoysaska si ay u bixiso dhammaan kaalmada qunsuliyada ee ku habboon,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Matthew Miller.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa duqeymo ba’an ka geysatay bartamaha xerada qaxootiga ee Jabalia, oo ku taal waqooyiga marinka Qaza, agagaarka suuq caan ah oo dadku ku badan yihiin, waxaana ka dhashay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah ilaa hadda.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Galant uu ku dhawaaqay inuu amar ku bixiyay in gebi ahaanba la go’doomiyo marinka Qaza, isla markaana la gooyo sahayda korontada, cuntada iyo shidaalka, wax kastana la xiro.

Related posts

Qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ka dhacay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia & dowlad goboleedyada xubnaha ka ah oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyay masuuliyiin jabiyay amar looga hortagayay faafida Covid-19

Cabdi Cade
Taboola Ads ---