Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Farmaajo & Axmed Madoobe ku wada hadleen khadka telefanka ?

Warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxwayne Farmaajo markii ugu horaysay in muddo ah uu taleefoonka kula xiriiray Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Villa Soomaaliya ayaa ddhowaan sheegtay khilaaf muddo dheer soo jiitamayey ka dib iney aqoonsi KMG ah oo labo sano ah siisay Axmed Nadoobe, inkastoo Madaxda Jubbaland ay talabaadaas ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Wadahadaladan ayaa qeyb ka ah dadaalka beesha caalamku ku doonayso inay isu soo dhawayso Madaxda dawlad goboleedyada, si shirka uu ku baaqay Farmaajo uu Miro dhal u noqdo.

Arrintan ayaa timid saacado ka dib markii Safiirka Qatar oo gacansaar wayn la leh Villa Soomaaliya uu shalay booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo, kulana la qaatay Mas’uuliyiinta sare ee Jubbaland.

Ma jiraan wax war ah oo arrintaas la xiriira oo ka soo baxay Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland, lamana oga waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe iyo natiijada ka soo baxday wadahadalka dhexmaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

DF oo War ka soo saartay howlgaladii ka dhacay gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta oo yeeshay Wadahadalo Miro dhal ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Tartanka loogu jiro Maalgashiga Dekadaha Soomaaliya iyo Ujeedooyinka ka dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---