Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre & Guddomiye Mursal oo caawa dalka ku soo laabtay (Sawirro)

Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo xubno kale ayaa caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Labada ma’suul iyo xubnaha la socday ayaa ka mid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galay shirkii ka dhacay Jabuuti ee u dhexeeyey DF iyo Somaliland.

Wafdigan ayaa afartii maalin ee lasoo dhaafay Djibouti u joogay wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo xalay la soo gebagebeeyey.

Shirkii wada-hadalada Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socday Waddanka Jabuuti ayaa lagu kala saxiixday heshiis ka kooban shan qodob, iyadoo qodobadii ugu muhiimsanaa loo saaray guddiyo farsamo oo labada dhinac ka kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii lagu dhamaaday ee ka dhacay Sri Lanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Shuruudaha ka mid noqoshada Baarlamanka cusub ee Galmudug oo la soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Boolis gacanta ku dhigay nin doonayey inuu iibiyo Ilmo yar oo uu dhalay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---