Yaa marti galinaya shirka laga yaabo in uu dhax maro Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada ?

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa laga yaabaa in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga arinsanayo doorashada Soomaaliya iyo waliba nuuca ay noqoneyso.

Shirkan waxaa dhawaan ku baaqay Gudoomiyaha Aqalka sare, waxaana soo dhaweeyay inta badan maamul goboleedyada dalka ka jira, Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin shirkan lagu baaqay ee looga arinsanayo xaalada dalka gaar ahaan doorashada.

Wali lama oga xiliga uu dhacayo shirkan wadatashiga ah ee lagu baaqay iyo halka uu ka dhici doono, sidoo kale macada go’aanka Madaxtooyada Soomaaliya ay ka qaadan doonto shirkan xasaasiga ah.

Shirkan qabsoomidiisa hadii la isla ogolaado ayaa hadana waxaa la isweediinayaa halka lagu qabanayo iyo waliba cida marti galineysa, maamulada qaar ayaa laga yaabaa in ay saluugaan hadii shirkaas gogoshiisa Muqdisho la dhigo.

Maamulka Galmudug oo xiriir wanaagsan la leh dowlada federaalka sidoo kale aysan isku xumeyn maamulada kale ee dowlada isku xun yihiin ayaa laga yaabaa in ay qaadato doorka marti galinta shirkan wadatashiga ah.

Shirkan wadatashiga ayaa sidoo kale door muuqda gaar ahaan qaban qaabada iyo fududeyntiisa waxaa gacan ka geesanaya beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay oo taageersan qabsoomida shirkan.

Shirkan wadatashiga ayaana hadii la isku waafaqo qabsoomidiisa laguna heshiiyo lagu go’aamin doonaa doorashada Soomaaliya ka dhaceysa gaar ahaan nuuca ay noqoneyso iyo xiliga ay dhaceyso.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis dhinacyo kala duwan uga imaanaya kala kulmeysa sidii loo qaban lahaa shir wadatashi ah oo looga arinsanayo doorashada Soomaaliya, waxaana doorashada soo dhawaatay xili uu xun yahay xiriirka dowlada Dhaxe iyo dowlad goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -