Warar kala duwan oo kasoo baxaya Sababta loo baajiyay kulankii Golaha Wasiirada

Kulanka khamiislaha ahaa ee yeelan jireen golaha Wsaiirada Soomaaliya ayaa maanta la baajiyay, waxaana fariimo loo diray golaha Wasiirada oo lagu wargaliyay in maanta uusan jirin wax kulan ah.

Warar kala duwan ayaana kasoo baxaya xiligan xasaasiga ah sababaha kulanka golaha Wasiirada loo baajiyay, wararka qaar ayaana sheegaya in baajinta kulankan sabab u aheyd xaalada siyaasadeed ee dalka hada ka taagan.

Warar saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay ayaa sheegayay in kulanka golaha Wasiirada lagu soo dhaweeyn lahaa baaqii Aqalka sare kasoo baxay ee ku aadanaa in madaxda dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada kulan deg deg ah isugu yimaadaan.

Sida aan ku helnay warar hoose  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbaday in la baajiyo kulanka golaha Wasiirada si aysan uga soo bixin go’aano sii adkeenaya xaalada siyaasadeed ee hada taagan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa wararku sheegayaan in xiligan isku aragti ka aheyn marxalada siyaasadeed ee dalku ku jiro, waxaana labada masuul isku fahmi waayeen sida loo wajahayo xaalada siyaasadeed ee hada kacsan.

Go’aankii Ra’isul Wasaare kheyre ku dhawaaqay ee aheyd in doorashada Soomaaliya xiligeeda dhaceyso ayaana la sheegay in culeeska siyaasadeed ee fuulay Madaxtooyada in uu kasoo bilowday, go’aankaas ayaana la sheegay in uusan farxad galin Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiligan wajaheysa cadaadis kaga imaanaya qaar kamid ah hogaanka sare ee Dowlada, beesha Caalamka , maamul goboleedyada, xaalada ayaan ala sheegay in ay ku xun tahay Madaxweyne Framaajo iyo xerta ku xeeran.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -