Wasiir Shaqadeeda ku weysay qorshe nac nac iyo mac macaan lagu soo iibinayay !!

Wasiirka waxbarshada dalka Madagascar Rijasoa Andriamanana, ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay in ay musuq maasuq ku sameesay lacag la doonayay in lagu soo iibiyo mac macaan la doonayay in loo qeybiyo ardayda iskuulada wax kabarata.

Rijasoa Andriamanana, ayaa isbuucii hore amar ku bixisay in nac nac iyo mac macaan kale loo qeybiyo ardayda dalkaasi qaadaneysa daawo dhireed aad u qaraar oo dowlada dalkaasi sheegtay in ay kahor tageyso cudurka Caronavirus sidoo kale daawo u tahay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in qorshuhu ahaa in arday kasta oo dalkaasi kunool la siiyo sadex xabo nac nac ah uu ku isticmaalo daawo dhireedka dowlada amartay in ardayda la siiyo si ay uga bad baadaan Cudurka Caromavirus.

Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina , ayaa shaqada ka eryaya wasiirada waxbarashada kadib markii laga war helay qorshe ay ku dooneysay in qaar kamid ah lacagta 2.2 Milyan oo dollar ee loogu tala galay in mac macaanka lagu iibiyo lunsato.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -