Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo kahor yimid qorshe Mareykanka ugu hiiliyay Maamulka Isra’il

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa kahor timid qorshaha Mareykanka ugu magac daray Qorshaha Nabada ee Bariga dhaxe, qorshahan ayaana Mareykanka ugu ogolaaday in isra’il dhulkeeda ku darsato deegaano badan oo Falastiin leedahay.

Wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash , ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe  .

Anwar Gargash ayaana ku baaqay in la joojiyo qorshaha ay Isra’il ku dooraneyso dhulka Falastiin si ay ula wareegto, waxa uuna qorshahan ku tilmaamay mid aan horseedeyn nabad balse dhibaato abuuraya.

“Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri qoraalka uu barta Twitterka soo dhigay wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta .

Dowlada Imaaraadka Carabta oo saaxiib dhaw la ah Mareykanka ayaan horey uga hadlin mowqifkooda ku aadan qorshaha nabada Bariga Dhaxe uu Mareyanka horboodayo,qorshahan ayaana waxaa horey u diiday Falastiin iyo wadamo kale.

Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin.

Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha shacabka oo diiday ajendihii la horkeenay & buuq ka dhashay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo hal Shardi kaliya ku xiray wadahadal ay la galaan Itoobiya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday gudaha Kenya kuna gubtay Gaadiid iyo Anteeno

Cabdi Cade
Taboola Ads ---