Allbanaadir.com
DIINTA

Axmed Karaash oo ka hadlay waxa uu salka ku hayo khilaafka isaga & Madaxweyne Deni

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxaa uu salka ku hayo khilaafka ka dhex aoosan isaga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Karaash ayaa cadeeyey inuu jiro khilaaf la tashi la’aan ka dhashay oo u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Puntland.

“Wixii ku soo baxaya qodobka 80-aad ee Dastuurka Puntland waxay ansaxayaan markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku kawada tashadaan, magacaabistii u dambaysay in laygala tashaday ma dhicin maadama xaalkayagu wanaagsanyn” ayuu yiri Karaash.

Axmed Karaash waxaa uu sidoo kale sheegay in khilaafkoodu muddo soo jiray isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu qiray sidoo kale in khilaafkii hore ka dhashay wadatashi iyo wax iswaydiin la’aan iyo Madaxweyne Deni oo ku adkaysanaya in isagu Puntland Madaxweyne ka yahay amarkiisa oo kaliyana uu shaqeynayo.

“Madaxtooyada aniga Madaxweynaha waa meel naga wada dhaxaysa oo aan u wada shaqo takno, madaxweynuhu markii uu wiilkiisa taliye ka dhigtay oo meesha keensaday buu anna kaygii eryey, marka dee meel laysku halayn karaba maahan Madaxtooyadu ” ayuu yiri Axmed Karaash.

Waxgarad iyo siyaasiyiin ka ka soo jeeda Puntland ayaa la sheegay iney marar badan ku fashilmeen xalinta khilaafka labada masuul, inkastoo weli dedaalo kale ay socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ku qarsan ciida Chrismas Day ama ciida miilaadiga!! (Daawo Muuqaal)

admin

Gobol codadkiisa uu ku guuleystay Musharaxa Joe Biden oo sheeko cusub keenay

Caydiid Ali

Wasiir kale oo xilka iska casilay, faahfaahina ka bixiyey sababta iscasilaadiisa

Caydiid Ali