Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay Covid 19 ganacsiga Soomaalida Nederlands.?

Inkastoo dhowrkii sanno ee u dambeeyey ganacsiga Soomaalidu ay ku leedahay dalka Nederlands ku sii fidiyey magaalooyin hor leh, haddana marka la barbar dhigo ganacsiyada ay ku leeyihiin shucuubta kale ee ajnabiga dalkaasi, Soomaalidu kuma jirto kaalimaha hore.

Ganacsiga Soomaalida, waxaa udub-dhaxaad u ah baddeecooyinka quutul-daruuriga ah, sida uu sheegay Rashiid Cabdi Ibraahim oo ah milkiilaha [Garoodi Winkel] ee ku yaala magaalada Utrecht.

Rashiid, isaga oo ka hadlayay saameynta ganacsiga Soomaalidu ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii bulshada oo yaraaday Cudurka Covid 19 dartii, waxa uu sheegay in culeyska dhaqaale ee uu ku keenay Covid 19 ay isaga kala wayn tahay dadka soo dukaameysi tagaya oo aan xil iska saarayn shuruucda ay dowladdu dajisay ee ah; in dadku ay kala fogaadaan ugu yaraan 1,5 mitir.

Cantar Maxamed Murshid waa maamulaha shirkadda “SUMA” oo ah shirkadda ugu wayn ee ay dukaanlayda Soomaalidu ka soo dukaamaystaan, kuna taal Magaalada Tilburg.

Cantar, isaga oo saxaafadda ugu waramayey xafiiskiisa wuxuu sheegay in adeegyadii ay siin jireen macaamiishooda uu hoos u dhac wayn uu ku yimid tan iyo bartamihii bishii Maarso ee sannadkan xilligaas oo ay ku beegnayd markii ay soo baxday awaamiir lagu xaddidayo dhaqdhaaqyada ganacsiga.

“Waxaa aad u yaraaday, ama gabi ahaanba istaagay dalabaadkii aan ka heli jirnay dibedda; Talyaaniga oo kale waxaa ka heli jirnay adeegyo ay baastadu ka mid tahay, sidoo kale Ingiriiska waxaa uu ahaa suuqa ugu wayn ee aan badeecooyinka kala soo dagno intuba waa ay xirmeen, adeegii koobnaa oo bakhaarada ku jiray wuu ku filnaan waayay macaamiishii, haddana waxaa soo galay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bisha dadku ay dalbadaan adeegyada ugu badan” Ayuu yiri Cantar, wuxuuna intaasi raaciyay in maadaama ay shirkadoodu tahay tan ugu wayn ee ay Soomaalidu ku tiirsan tahay in ay ku dedaalayaan maalmaha soo socda in ay soo kaamilaan dhammaan adeegyadii macaamiishoodu ka heli jireen.

Cabdishakuur Cilmi Xasan
E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com
Ermelo, Nederlands

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -