Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Erdoğan oo si khiiro leh uga hadlay qalabkii Turkigu ugu deeqay Somalia

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay Mishiinada Bukaanka ka saacida neefsashada ee lagu sameeyay dalkiisa iyo qalab kale oo Caafimaad ay uu deeqeen wallaalahood Soomaaliyeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Madaxweynaha Turkiga kaga hadlay deeqdaas oo maanta la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia

“Qalabka mishiinada ee aan dalkeeda ku sameynay waxaa ku neefsan doona wallaalaheen Soomaaliyeed.. Xadaaraddu kuma dhisna awood, waxay salka ku heysaa damiirka. Shacabkeena wuxuu garab taagan yahay kuwa la dulmiyey iyo kuwa dhibaateysan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Mishiinadan cusub ee “Ventilator” oo ah kuwa bukaanada ka caawiya inay neefsadaan ayaa ah kuwo lagu sameeyay gudaha Turkiga, waana markii ugu horeysay ee Turkiga geeyo dibadda, iyadoo Somalia ay noqotay dalkii koowaad ee la siinayo mishiinadan oo ay soo saarto shirkadda Milli Teknoloji Hamlesi ee dalka Turkiga.

Soomaaliya ayaa ka mida dalalka ugu liita caalamka ee hay’adahooda caafimaad ku burbureen dagaaladii sokeeye, waxaana uu ka mid yahay dalalka ugu horeeya ee Bariga Afrika uu saameeyay cudurka Covid-19, iyadoo illaa hadda laga helay dad ku dhow 700 oo qof, halka tiro kale ay u dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Rooble

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweynaha Jubbaland oo soo saaray wareegto lagu Magacaabay..

Caydiid Ali

Somaliland oo cadeyn u keentay eedeyntii ay u jeedisay Jabuuti

Caydiid Ali
Taboola Ads ---