Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo cadeyn u keentay eedeyntii ay u jeedisay Jabuuti

Somaliland ayaa mar kale dawladda Jabuuti ku eedaysay in ay dalkeeda ku casuuntay Jabhado ka soo horjeeda Somaliland kuwaasoo ka soo muuqday xafladdii 27-ka June eeĀ  Xornimada dalka Jabuuti.

Xubnaha Jabhaddan ay Somaliland Jabuuti ku eedaynayso waxa ka mida wasiirkii Shaqa gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Maxamed Cabdullaahi Obsiiye kaasoo haatan Jabuuti ku sugan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Cali Maxamed Xasan Marreexaan ayaa sheegay in aanay Somaliland ku filnayn beeninta warkii Madaxweyne Muuse Biixi oo ay Jabuuti shalay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toonna lahayn.

Cali Mareexaan ayaa sheegay in Jabuuti looga baahan yahay iney faahfaahiso sababta xubnahan ay uga soo muuqdeen xaflada 27-ka June eeĀ  Xornimada dalka Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa horey u beenisay eedeymaha Somaliland, iyadoo madaxweyne Biixi ku eedaysay inuu wado xiisad colaadeed oo aan loo baahneyn.Ā Jabuuti ayaa sheegtay in aanay wadin wax hagardaamo ah oo ka dhan ah Somaliland.

Related posts

Dagaalyahano ka goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqalka Cad oo cambaareeyay Weerar Burcad Israa’iiliyiin ah geesteen

Cabdi Cade

Xiisad ka dhex aloosan Wasaarada amniga & Maamulka Gobolka Benaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---