Waa Maxay Biriqda ama danabka roobka? Qaabkee ayeyse u dishaa dadka & Xoolaha?

Waxaan aad uga tiiraanyoonayaa masiibada ay u geystey biriqdu Maalmo ka hor qoyska Cumar Dahir Afrax iyo ifrah Axmed Cilmi oo tuulada Inamed oo 30 km u jirta magaalada Dhuusamareeb ay uga dishey afar caruura. Ilahey ha u naxariisto caruurta dhimatay, waaridka dhaawacana ilahey ha bogsiiyo, ehelkana Ilahey samar iyo imaan ha ka siiyo.

Biriqdu waa danab ama koronto aad u xoog badan oo quwadeeda lagu qiyaaso 30,000 amps, wuxuuna heerkulkeedu gaaraa qiyaasta 28,000 oo cabirka Celsius, taas oo ah kul ka xoog badan qoraxda korkeeda. Ilbiriqsi wax aad uga yar ayey ku curataa oo wax ku dishaa, waxeyna ku tabar beeshaa dhulka oo liqa danabkeeda.

Inta badan dadka ay ku dhacdo biriqdu waa ay ka badbaadaan dhimasho haddii islamarkiiba ay helaan gargaar deg deg ah. Danabka biriqdu marka ay ku dhacdo qofka, qeyb ka mida waxey raacdaa maqaarka oo ay u geysataa gubniin, qeybta kalana waxey gudaha u gashaa jirka, waxeyna waxyeeleysaa wadnaha iyo neerfeyaasha, wuxuuna deg deg ku keena qofka wadno joogsi, kadibna korontadu waxey ka dhex baxdaa jirka qofka iyadoo geleysa dhulka.

Cidna ma qiyaasi kartomeesha iyo wakhtiga ay dhaceyso, waxeyna xooga korontadeeda ku dishaa si toosa iyo si dadban. Marka ay ku dhacdo meel, dhulka u dhow oo dhan waa danabeysan yahay, korotadeeduna waa dileysaa xoolo iyo dad wixii meeshaas ka ag dhow, waxaana suurtogal ah in biriqdu ay hal meel ku dhacdo marar badan oo is xigta, taasna ay adkeyso gargaarka deg dega ah oo la gaarsiiyo dadka ay haleesho dhibaatadeeda.

Dadka waxaa lagula taliyaa marka ay maqlaan guguca roobka inay dhexgalaan gaadiid daboolan oo xiran ama galaan guryo xoog u dhisan, iney ka fogaadaan dhulka dheer sida buuraha, dhirta dheer amd waxyaabaha qotoma oo dheer sida anteenooyinka, iney ka fogaadaan biyaha fadhiya ama socda dhulka korkiisa, iney ka fogaadaan taabashada waxyaabaha ka sameysan birta sida xargaha siliga korontada, ineysan dhulka jiifsan ama dadku ay kala fogaadaan, iyo ineysan noqon iyagu waxa ugu dheer oo ka taagan agagaarkooda.

Dadka aan u dhiman biriqda ku dhacda agtooda waxeysan weligood ka soo kabaneyn waxyeelada ay ku reebeyso jirkooda sida xanuun xoogan oo joogto u qabta, hawlgab ku yimaada qeybo ka mida dareemeyaashooda, waali maskaxeed fudud oo qofka ka dhigta mid dhinaca maskaxda ka cabursan, waxyeeladaas oo u sii kala xoog badan qiyaasta hadba inta danab ee gashay qofka jirkiisa iyo gargaarka deg dega ah ee uu helo qofku. Cariish iyo aqal Soomaali midna waxba kama difaaci karo dadka waxyeelada biriqda.Ilaa iyo hadda ma jirto qalab biriqda kaa difaacaya 100%, inkasta oo ay jiraan qalab yareyneysa waxyeeladeeda oo lagu xiro dhismayaasha dhaadheer.

sanad walba qiyaasta hal milyan oo jeer biriqdu waa ku dhacdaa dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyada roobka oo hal daruur oo curatay ayaa dhalin karta 100 biriq hal ilbiriqsi, sidaas oo ay tahay degmooyinka iyo tuulooyinka looma diyaarin gargaarka degdeg ah ee ay u baahan yihiin dadka ku waxyeelooba danabka biriqda sida CPR ama farsamada neefsiinta qofka wadnuhu istaago oo dib loogu soo celinayo dib u shaqeynta wadnaha.

Kalafogaanshuhu xataa waa ka badbaadinta biriqda kala bar qoyskaaga. Sanad walba inta Soomaaliya ku waxyeelowda biriqda qiyaasta kama yara 25 qofood. Biriqdu waxey dhalisaa codka onkodka, laakiin dhicida biriqda ayaa ka dheereysa codkeeda, marka aad maqleysid guguca waa mar ay daqiiqado ka hor dhacday oo ay geysatey wixii dhiba meesha ay ku dhacday.

Biriqdu ma ahan bir dhulka ku dhacda sida ay aaminsan yihiin dad badan, waxaana lagu ogaada inta ay kuu jirto meesha danabkeedu ku dhacay qiyaas ahaan inta uu la eg yahay xooga maqalka codka onkodkeeda dhegahaaga soo gaaraya. Haddii codkeedu ku dhegotiro waxey ka dhacday korkaaga ama meel aan sidaas kaaga fogeyn. markaas weli danabkeedu waa kaa ag dhow yahay ee ka fogow darbiga, dariishadaha iyo albaabada birta ah, wax kasta oo korotada guriga ku xariirsan, iyo tubooyinka biyaha qaada.

Dr. Said Mohamud
Saciidciise258@aol.com
Maine, USA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -