Shir looga hadlayay Qoondad Haweenka ee Gollaha Deegaanka oo Gaalkacyo lagu qabtay (Sawirro)

Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug ayaa soo qaban qaabisay shir looga hadlayay qoondada haweenka ee ku aaddan ka qeyb galka xubnaha golaha Deegaanka ee loo dhisayo magaalooyinka Galmudug .

Shirkan oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano katirsan Galmudug, masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Gaalkacyo iyo hoggaanka ururka haweenka Galmudug.

Duqa degmada Gaalkacyo oo ugu horreyn daah furay shirka ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan soo dhaweeynayaan in haweenku ay door muhiim ah ku yeeshaan xubnaha golaha degaanka degmada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali oo isna shirkan ka hadlay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii haweenka door muhiim ah ugu yeelan lahayeen golaha deegaanka, isagoo timaamay in haweenka looga baahanyahay dadaal dheeri ah oo muujinaya  kaalinta ay ku leeyahiin dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe, ayaa sheegtay in Dumarka hormuud iyo indho u yihiin bulshada , waxa ayna xustay in muhiim tahay in wax ku yeeshaan golaha deegaanka ee la dhisayo.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Cabdi Sheekhdoon Nageeye oo ka socday Hay’ada CRD ayaa sheegay in muhiim tahay in Dumarka door muhiim ah ka qaataan maamulada gaar ahaan golaha Deegaanka ee loo dhisayo Gaalkacyo.

Mr Nageeye ayaa tilmaamay in ay Dumarka laf dhabar u yihiin bulshada sidaa owgeedna muhiim tahay in qeyb ka noqdaan maamulada jira gaar ahaan golaha cusub ee deegaanka hada loo dhisayo Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ururka haweenka Galmudug Maymuun Cali Nuur ayaa sheegtay in la joogo xilligii haweenka fursad loo siin lahaa ka mid noqashada xubnaha golaha deegaanka ayna helaan qoondada ay xaqa u leeyihin.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawaan yeelaneysa golle deegaan oo soo dooran doona maamulka degmadaasi, waxaana golaha deegaanka la filayaa in ay kasoo muuqdaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gaalkacyo.

- Advertisement -