Wararkii Ugu dambeeyay Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Musharixiin lacago badan ….

Waxaa saakay oo isniin ah oo taariikhdu ku beegan tahay 30ka Apriil lagu balansan yahay in la qabto doorashada gudoonka sare ee golaha shacabka ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka socday ololihii ugu dambeeyey ee doorashada.

Inkastoo Musharaxa Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan uu yahay musharaxa ugu cad cad ee loo saadaalinayo inuu xilkan ku soo baxayo ayaa haddana waxaa jira musharaxiin aan rajo badan laheyn oo wada isku dayo ay ku doonayaan iney taageero badan ku helaan, kuna kasbadaan codadka xildhibaanada qaarkood.

Musharaxiintan ayaa  kulamo aan sidaa u weyneyn kula leh hotelo ku yaalla magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyagoo ku qalqaalinaya iney codadkooda siiyaan.

Dhowrkan musharax ayaa dhaqaalo badan ay ku kasbanayaan codka Xildhibaanada bixiyay halka kuwa kalana ay sameeyeen balan qaadyo xilal iyo kuwa dhaqaale.

Qaar ka mid ah musharaxiintan oo balan-qaadyo maalgelineed ka heystay dowlada Imaaraadka Carabta ayay u muuqataa haatan in balamadaas looga baxay oo aysan jirin wax loogu maqan yahay.

Musharaxiinta ololaha wada qaarkood oo horey isaga soo casilay xilal wasiirnimo ayaa ku hungoobay taageero siyaasadeed oo ay ka filayeen madaxda sare ee dalka ka dib markii albaabada madaxtooyada laga soo xirtay.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo  adkeeyey waxaana ciidamo badan la soo dhoobay agagaarka xarunta golaha shacabka oo lagu wado iney maanta ka dhacdo doorashadada gudoonka golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -