Imaaraadka oo Boosaaso ka dejiyay qalab caafimaad oo looga hortago Caronavirus (Sawirro)

Diyaarad waday Agab Caafimaad iyo qalab kala duwan oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga caabuqa Coronavirus oo ku deeqday Imaraadka Carabta ayaa ka degtay magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha maamulka Saciid Cabdulaahi Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad iyo qalabka  loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga caabuqa dunida ku faafaya ee Coronavirus.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, ee Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.” ayuu yiri Saciid Deni.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maamulada Somaliland iyo Puntland gaarsiisay agab caafimaad iyo qalab loo isticmaali karo kahor taga caabuqa Caronavirus ee hada laga helay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -