Wax badan ka Ogow Howl-galka Badbaado ee Dowladdu Ka Waddo Shabeellada Hoose?

Dowladdda Soomaaliya ayaa caddeysay in Ciidanka xoogga dalka oo ku guda jira howl gal loogu magac daray “Badbaado” uu  si rasmi ah ula wareegay deegaanka Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose oo kamid ah goobaha ay horay uu u maamulayay ururka Shabaab ee dowladda dagaalka kula jira, lana rumeysanyahay inay kamid aheyd deegaannada ay Shabaabku uga soo duulayeen saldhigyada ciidamda dowladdu ay ku leeyihiin degmooyinka gobalka.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Guusha CXD ay ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka argagixisada dalka looga saarayo.

Muhiimadda hanashada gacan ku heynta Janaalle

Magaalada Jannaale oo dhacda meel u dhexeysa Marko, Gendarshe, Buulamareer iyo Awdheegle waxaa ku yaalla mid kamid ah Buundooyinka la isaga tallaabo ee gobalka waxayna Shabaab u aheyd xarun dhaqaale, saldhig iyo xarun aad muhiim ugu ah howl-galladooda gobalka iyo caasimadda.

Magaalada waxaa ku yaalla suuq weyn oo lagu iibiyo xoolaha iyo badeecadaha kale ee nolosha bulshada aasaasiga u ah waxaana canshuurta ay ka qaadaan Shabaabku ay qayb ka aheyd qarashka ay ku socodsiiyaan howl-gallada, waxaa kale oo ay magaaladu u aheyd meesha ugu dhaw ee ay uga duuli jireen Ceel Saliini iyo xarumaha ciidanka ee dhanka xeebta jira.

Howl-gallo 100% ay Horumuud u yihiin Ciidamo Soomaaliyeed

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda, Howl-galka “Badbaado”, waxaa hor boodaya ciidanka xoogga dalka oo qaata go’aannada duullaanada, halka la sal dhibanayo, xilliga la qabanayo iyo sida loo kala hor marinayo magaalooyinka ay dowladdu u aragto inay muhiim u yihiin xasilinta iyo amniga dalka. Sidii uu howl-galka Badbaado u bilaawady, looguna guuleystay dib-u-habeyntii ciidamada, ciidanka dowladdu deegaannada cusub ee ay la wareegaan waxay ka dhistaan xarumo u gaar ah.

Hawl galka Badbaado ayaa loo qorsheeyay in lagula wareego dhammaan Buundooyinka iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobalka Shabeellada Hoose oo dowladdu u arkeysay inay xudun u yihiin sugidda amniga caasimadda iyo wiiqidda Awooda Al-shabaab.

Howl-galkaan intii uu socday ayaa ciidanka Meleteriga Soomaaliya waxay dib ula wareegeen Sabiid, Caanoole, Awdheegle, Ceel-saliini iyo deegaanno kale oo qaarkood ay ku yaallaan Buundooyinka bartilmaameedku ahaa in ciidanku ay degaan, si sare loogu qaado amaanka iyo xasiloonida dalka. Xilliya badan ayaa Shabaabku sidii horay u dhici jirtayba waxay dib u soo weerareen deegaannada lagala wareegay inkasta oo aysan u suura gelin inay gacantooda ay ku celiyaan.

Dowladda Oo Ka faa’iideysatay Casharradii laga bartay qaladaadkii ka dhashay Howl-gallo Hore

Deegaanno badan oo lagu xureeyay howl-galka Badbaado, uma aheyn xilligii ugu horreeyay ee dowladdu kala wareegtay Shabaab, hase yeeshee juhdi, dhiig badan oo ciidanka uga daatay iyo hanti ku baxday, ayaa weerarro rogaal celis ah oo Shabaabku soo qaadeen waxay hor seedeen in ay dib u furtaan sanaddo bandanna ay maamulaan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amni,  Dowladda oo baaritaan ku sameysay waxa sababi jiray qaladaadka iyo guul darrooyinka ayaa xaqiiqsatay in dib-u-habeyn ballaaran loo baahanyahay kahor inta aan waqti kale lagu dhumin howl-gallo aan natiijo muuqata laga gaareyn.

“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sugidda Amniga Caasimadda iyo Hanashada Ciidanka ee Maamuka Buundooyinka Shabeellada Hoose.

Falanqeeyaasha amniga oo horay uga hadlay xariirka ka dhexeeya sugidda amniga caasimadda iyo gacan ku heynta buundooyinka gobalka Shabeellada Hoose ayaa ku dooday in kor u qaadidda sugidda amniga caasimaddu uu ku xiranyahay hadba sida dowladdu ay  u hanato marinnaada iyo buundooyinka lagu kala gudbiyo gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyo oo la aaminsanyahay in lagu soo farsameeyo Shabeellada Hoose.

Billaawga Howlgalka “Badbaado” iyo Isbedelka Amniga Caasimadda

Howl-galka Badbaado oo sannadkii hore ku billaawday si tartiib ah ayaa gobalka Shabeellada hoose loogu fididyay si taxadar ah kadib markii uu meel wanaagsan soo gaaray qorshaha dib-u-habeynta ciidamada oo dowladdu u arkeysay inuu bilaaw u noqon karo xasilinta dalka.

Inkasta oo ay jireen dadaallo amni oo gudaha caasimadda laga sameeyey, hadana waxaa muuqata inay yaraadeen weerarradii loo adeegsan jiray gaadiidka qaraxyada lagu soo rakibay ee dhimashada iyo burburka badan looga geysan jiray gobalka Banaadir.

Luminta xarumaha Muhiimka ah oo Tusbax go’an noqotay

Wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday howl-galka ay ugu magac dartay “Badbaado”, waxaa gacanta Shabaab si tixane ah looga saaray magaalooyin iyo tuulooyin muhiim ahaa oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Bariirre, Ceel-saliini iyo Awdheegle. Dhammaan magaalooyinkaan waxay ahayeen ilo dhaqaale iyo deegaanno muhiim u ah howl-gallada iyo dagaallada.

Deegaannada la xoreeyay iyo Sameynta Nolosha Cusub.

Deegaanno kamid ah gobalka Shabeellada Hoose ayaa kadib markii dowladdu dib ula wareegtay waxaa ka billaawday Ganacsi, Waxbarasho iyo dhismaha waddooyin, iyada oo ay intaa u dheertahaya in qaarkood maamulladii deegaanka iyo degmooyinka loo sameeyay, ciidama Booliis ahna la geeyay.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose, Ibrahim Adan Ali Najah, oo ka hadlay dib u qabashada iyo rejada ay ka qabaan horumar mustaqbalka la gaaro ayaa sheegay, “Waxaan u diyaarinay Janaale inaan ka hirgelino nidaamka dowlada iyadoo maamulka Deegaanka uu si buuxda ugu shaqeyn doono Janaaale. Waxaan ballan qaadeynaa inaan Janaale geyneyno Dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin shacabkaas muddada dheer ku jiray nolosha muqdiga ah”.

W/Q Axmed M Nuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -