Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Oomaar oo ka hadlay sababta Hargeysa loogu fasaxay duulimaadyada tooska ah

Wasiirka Gaadiidka & duulista ee Xukuumadda Somalia ayaa ka hadlay sababaha dayuuradda Ethiopian Airways ay duullimaadyo toos ah ugu tagto magaalada Hargeysa, xilli duullimaadyada caalamiga ah ay xayiraad saartay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dayuuradda Ethiopian Airways duulimaadkeeda Hargeysa loo fasaxay sababo jira isla markaana ay dayuurado kale oo agab iyo dawooyin geeya magaalada Hargeysa.

Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay jirto dayuurad daawo sida oo ka tageysa magaalada Hargeysa isla markaana fasax ka haysato dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in la xayiray duulimaadyada caalamiga ah ee dalka imaanaya si looga hortago cudurka Covid-19 sidoo kalena shalay waxay soo saartay dowladda in maanta wixii ka dmabeeya la hakiyay duullimaadyada gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Ciidamadii Milatariga ee soo galay Muqdisho oo xaafado hor leh ku faafay iyo xiisad jirta

Cabdi Cade

(Sawirro) Qarax mar kale lagu burburiyey xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si buuxda ula wareegtay amniga Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---