Dowlada Qatar oo Muqdisho ka bilaabeysa dhismaha Safaarad qurux badan (Sawirro)

Sida uu qoray wargeyska Middle East Monitor dowladda Qatar ayaa safaarad casri ah oo aad u qurux badan ka dhisaneysa magaalada Muqdisho.

Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay noqoto tan labaad ee ugu weyn ee Soomaaliya, marka laga yimaado mida Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.

Masuul ka tirsan Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo lagu magacaabo C/raxmaan Axmed oo sawirada naqshadda safaaradda cusub ee qatar ku shaaciyey bogiisa Twitter.
Wargeyska Middle East Monitor oo soo xignaya masuuliyiin ka tirsan dowlada Qatar ayaa sheegay in dhismaha safaarada oo la bilaabi doono dhowaan ay ka baxeyso lacag gaareysa qiyaastii $40 Milyan oo dollar.

Qatar oo hadda ah saaxiibka labaad ee DF ayaa sanaddii 2019 waxay Soomaaliya ka billowday fulinta mashaariic horumarineed oo ay ku baxeyso qiyaastii nus bilyan dollar, waxaana ka mid ah jidadka Muqdisho ku xira gobolada labada shabelle, dhismaha dekeda Hobyo iyo mashaariic kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -