Qofkii ugu horeeyey oo dalka Kenya ugu geeriyooday cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in qofkii ugu horeeyey uu gudaha dalkaas ugu dhintay cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in qofka dhintay uu ahaa muwaadin ka soo laabtay Koonfur Afrika 13-kii bishan Maarso, laguna karantiilay magaalada Nairobi.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo nin ahaa ay da’diisuna ahayd 66-sano jir uuna qabay xanuunka Macaanka.

Ninka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 28 qof oo dowlada Kenya u diiwaangelisay in laga helay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalalka caalamka qaarkood.

Kenya ayaa qaaday talaabooyin lagu xakameynayo faafida cudurkan, iyadoo dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah, waxaana sidoo kale la xiray maqaayadaha iyo goobaha kale oo dadku ku kulmaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -