Culimaa’udiin ka hor yimid go’aano shalay ka soo baxay Maamulka Puntland

Guddiga ka hortagga cudurka Coranavirus ee Maamulka Puntland ayaa ka laabtay go’aan shalay kasoo baxay oo ahaa in muddo labo tobadaad ah la xiro goobaha cibaadada, sida masaajida iyo dugsiyada Quraanka.

Arintan ayaa timid ka dib markii culimada Diinta ee degaanada Puntland ay ka hor yimaadeen go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay mid lagu degdegay oo  aan munaasib ahayn waqtigan, maadaama aan Puntland laga helin weli wax kiis ah oo la xiriira Coranavirus, waxayna maamulka ugu baaqeen in lala yimaado qorshe kale oo aan ahayn in la xiro Masaajidada.

Kulan dhexmaray culima’adiinka iyo guddiga ayaa ugu dambayn lagu gaaray in maamulku ka laabto go’aankaas, balse waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo waqtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xiro musqulaha masaajida iyo in la hakiyo daruusaha diiniga ee masaajida laga bixiyo.

Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ee maamulka Puntand, Cawil Shiikh Xaamud ayaa sheegay in xiritaanka masaajida ay ka noqon doonto tilaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadan doono, haddii cudurka lagu arko Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -