Ciidamada amaanka oo Muqdisho ka sameeyay howlgal dad lagu qab qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay xaafado katirsan magaalada Muqdisho waxa ay ka sameeyeen howlgal gaar ah oo lagu qab qabtay dad lagu tuhmayo in ay qeyb ka yihiin falal amaan daro ee mararka qaar ka dhaca Muqdisho.

Howlgalka ay ciidamada amaanka sameeyeen ayaa si gaar ah uga dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir, waxa ayna ciidamada inta ay howlgalka ku jireen xireen qaar kamid ah wadooyinka iyagoo sidoo kale galayay xaafadaha.

Ciidamada booliiska ayaa dadkii ay soo qab qabteen isugu geeyay goob barxad ah, waxaana markii dambe la sii daayay inta badan dhalinyaradii howlgalka lagu qabtay iyadoona qaar la tuhmayo ciidamada horey usii kaxeesteen.

Howlgalada amaanka ee ciidamada ka fuliyaan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii aad u yaraa , lamana oga in xiligan waxa kusoo beegay howlgaladan cusub ay ciidamada ka bilaabeen gudaha Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -