Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo kala hadlay James Swam bixinta Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Mudane James Swan .

Rooble iyo James Swam ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee laga doonayo Beesha Caalamka in ay ku baxiso socodsiinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka oo kadib dhacay waqtigii horey loogu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyada dalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Kyle McCarter oo War cusub kasoo saaray kulankii la sheegay in uu la qaatay Farmaajo

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Itoobiya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Eritreya oo shuruud ku xirtay Xulka ku metelaya ciyaaraha dibeda si aysan u baxsanin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---