Allbanaadir.com
NEWS

Shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka waxbarashada G/Banaadir oo laga arinsaday (Sawirro)

Waxaa maanta xarunta Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya kulan gaar a ku yeeshay Madaxda Wasaarada Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kulankan ayaana looga hadlayay arimo muhiim ah oo quseeya waxbarashada gobolka.

Kulankan gaarka ah ee u dhaxeeyay madaxda wasaarada waxbarashada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ah mid looga arinsanayay shaacinta gudiga diyaarinta xiliga kala guurka waxbarashada gobolka Banaadir.

Gudigaan ayaa ka kooban 8-Xubnood oo 4-kamid ah yihiin wasaarada waxbarashada halka afarta kale ay yihiin maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo 3-bilood ee soo socota ka shaqeyn doono da’dajinta sidii wasaarada waxbarashada ay usoo wareejin laheyd shaqooyinka waxbarashada gobolka Banaadir iyo sidoo kale tayeenta xafiiska waxbarashada gobolka Banaadir.

Kulan ayaa intii uu socday waxyaabihii la isku fahmay waxaa kamid ahaa in maamulka gobolka Banaadir uu la wareego qaadista imtixaanka fasalka 8-daad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo sanad dugsiyeeskan ugu horeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan dowlada Britain oo Muqdisho soo gaaray, lana kulmay Madaxda AMISOM (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal culus oo saaka dhexmaray ciidamada ATMIS iyo Al-Shabaab

Caydiid Ali

DEG DEG: Xamaas oo ugu dambeyn ogolaatay heshiiskii xabad joojinta Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---