Wasiiro katirsan Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilka ka qaaday qaar kamid ah golihiisa Wasiirada, waxa uuna Madaxweynaha durba magacaabay wasiiro cusub oo bedelaya kuwa xilka laga qaaday.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Laftagareen ayaa xilka looga qaaday Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirka Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir kuxigeenka Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale digreegtada uu soo saaray ku magacaabay  Wasiirka Waxbarashada Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Cabduqaadir Cumar C/llaahi iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo Magacaabey Cabdi fitaax Isaaq Maxamed.

Xilka qaadista Wasiiradan ayaa kusoo aadeysa xili maamulka Koonfir Galbeed Soomaaliya lagu eedeeyay in uusan la imaan wax qabad muuqda uuna Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dhabeyn waayay balan qaadyo uu horey u sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -