Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal carbeed oo dhoofsaday kumanaan ka mid ah Geella lagu laynayo Australia

Dekedda Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ayaa laga daadgureeyay ilaa 3,000 oo Geel ah kaddib markii madaafiic lagu weeraray dekedda, iyadoo geelanĀ  laga soo daabulay dalka Australia.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in Geela laga soo dejiyay dekedda loona waday dhinaca magaalada ku taal galbeedka ee Zawiya, halkaas oo saaka la geeyay.

Qaar kamid ah Geela ayaa lagu dhacay gudaha Liibiya, sida laga soo xigtay Reuters.

Waxaa lasoo xigtay mid kamid ah ganacsatada oo sheegayo in maleeshiyaad hubeysan ay ka dhaceen 125 ka mid ah Geela laga soo daabulay Australia.

Dowladda Australia ayaa horraantii sannadkan bilowday toogashada In ka badan 10,000 oo geel ah Australia, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee dalkaas, ka dib markii ay dadka biyaha ku ciriiriyeen xilli ay jiraan kuleyl daran iyo abaar baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Xildhibaano reer Hiiraan ah oo taageray Xilka ka qaadista Gudoomiye Cali Jeyte

Caydiid Ali

Dowladaha Somalia iyo Canada oo ka wadahadlay arrin muhiim ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo la kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---