Taj Mahal oo bilooyin kadib dib loo furay iyo shuruudo lagu xiray dadka booqanaya (Sawirro)

Dhismaha taariikhiga ah ee loo dalxiiska tago ee Taj Mahal kuna yaala dalka Hindiya ayaa lix bilood kadib loo ogolaaday in dadku booqdaan, waxaana dadka halkaasi tagaya lagu xiray shuruudo .

Dowlada Hindiya ayaa joojisay in la booqdo dhismaha Taj Mahal markii uu dalkaasi gaaray cudurka Caronavirus, waxaana maalintii goobtaasi taariikhiga ah booqan jirtay dad gaaraya 70,000 oo qof.

Dadka doonaya in ay booqaadn Taj Mahal ayaa marka hore laga doonayaa in tikitka ay ku galayaan kusoo jartaan Online, waxaa sidoo kale mamnuuc ah in dadka taga goobtaasi ay sawirada u galaan koox koox , waxaa kale laga baarayaa inta aysan gelin heerkulka.

Maamulka gacanta ku haya dhismaha Taj Mahal ayaa sidoo kale aad u dhimay dadkii maalin kasta booqan jiray, waxaana hada la ogol yahay in maalintii dhismahaasi booqdaan kaliya dad gaaray 5-kun oo qof.

Dhismaha taariikhiga ah ee Taj Mahal waxaa la dhisay  qarnigii 17-aad , waxaana dhisay boqor Shah Jahan oo ku maamuusay xaaskiisii, Mumtaz Mahal, waxaana dhismahan uu kamid yahay goobaha taariikhiga ah ee sida weyn loo booqdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -