Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay, xarumo Muhiim ahna kormeeray (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada.

“Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulkii ugu horeeyey oo u gudbay Wareega 8 Dhamaadka Koobka Aduunka (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad Xukun ku riday Sargaal sare oo katirsanaa Milatarigii hore ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Xukun adag ah oo lagu riday nin dil arxandaro ahaa Hooyo ugu geestay Muqdisgo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---