Madaxweyne Farmaajo oo Adis Ababa kula kulmay Charles Michel (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL,

Labada Masuul ayaa waxa ay iska xog wareysteen horumarka ay Dowladda ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, ayaa bogaadiyay horumarada dowlada federaalka ka sameesay hurumarinta Dhaqaalaha iyo sidoo kale dhinaca Amniga.

Waxa uuna u balan qaaday  Charles Michel in Midowga Afrika sii wadi doono taageerada iyo garab istaaga dowlada federaalka ,waxa uuna sheegay in Soomaaliya hada uu ka jiro isbadal weyn oo lagu faani karo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula yeeshay qaar kamid ah Madaxda ku sugan magaalada Adis Ababa uu ka socday Shirweynaha Midowga Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -