Darjiin iyo Beer lagu nasto oo laga hirgaliyay Muqdisho oo caawa xariga laga jaray  (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa xariga ka jaray Darjiin iyo beer ay ku nastaan shacabka  Muqdiho.

Darjiinkaan caawa xariga laga jaray ayaa laga dhisay aga gaarka isgooska KM-4  ee magaalada Muqdisho, waxaana darjiinkan loogu tala galay in ay ku nastaan shacabka magaalada Muqdisho gaar ahaan dhalinyarada.

Munaaabada Xariga looga jarayay darjiinkan laga hirgaliyay magaalada Muqdiho ayaa caawa waxaa ka qeyb galay Duqa Muqdisho , kuxigeenkiisa, gudoomiyaal Degmo,saraakiil ciidan iyo qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho.

Darjiinkan ayaa qeyb ka noqonaya bilic soo celinta magaalada Muqdisho, waxaana darjiinkan nasiino iyo goobo ay isku wareestaan u noqon doontaa dhalinyarada magaalada Muqdisho gaar ahaan ardayda.

 

- Advertisement -