Al Shabaab oo sheegtay in gaadmo ku dileen askar Itoobiyaan oo baxsad ahaa

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku dilay ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ku sugnaayeen duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxaana ciidankan Itoobiyaanka ah la weeraray xili ay lugeenayeen dhul hood ah.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegtay dagaalyahanada Shabaab weeraraeen ciidamo Itoobiyaan ah oo kasoo baxsaday saldhigii ay ka tirsanaayeen kuwaa oo la sheegay in doonayeen in qaab lug ah ku galaan dalka Itoobiya.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka gaadmada ah ku dileen labo adskari oo Itoobiyaan ah sidoo kale kusoo furteen sadex qoray oo labo kamid ahayeen nuuca Itoobiyaanka caanka ku yihiin ee loo yaqaan shaam shuutar.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la socdeen dhaq dhaqaaqa askarta Itoobiyaan ee doonayay in xadka ka gudbaan, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in askartan dhibaato badan kala kulmeen go’doominta ay ku hayaan degmada Waajid.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaa warkan kasoo baxay Al Shabaab, taliska ciidamada AMISOM ee qeybta ka yihiin ciidamada Al Shabaab sheegeen in ay dileen ayaan wali wax war ah kasoo saarin, waxaana sidoo kale warkan ka hadlin maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -