Sheekh Shaakir oo la kulmay Saraakiisha hogaamisa ciidamada Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo dhawaan koox taageersan magaalada Dhuusomareeb ugu doorteen in uu yahay Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa caawa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hogaamisa ciidamada Ahlu Sunna.

Kulanka Sheekh Shaakir la qaatay saraakiisha Ahlu Sunna ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka magaalada Dhuusomareeb iyo sidoo kale deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu Sunna.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uga mahad celiyay saraakiisha ciidamada uu la kulmay sudii ay iga shaqeeyeen sugida amaanka magaalada Dhuusomareeb oo dhawaan ka dhaceen doorashooyin iska soo horjeeda.

Waxa uu faray Sheekh Shaakir saraakiisha ciidamada uu la kulmay in ay sii xoojiyaan adkeynta amaanka magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna saraakiishan ku bogaadiyay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin sugida amaanka goobaha ay maamulaan.

Magaalada Dhuusomareen ee caasimada maamulka Galmudug waxaa amaankeeda hada gacanta ku haya inta badan ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya sidoo kale taageera maamulka cusub uu Hogaamiyo Qoor Qoor ee dhawaan la doortay.

- Advertisement -