C/rashiid Janan oo deg deg uga soo baxay Kenya, ka dib hadalkii amnesty, kana degay Gedo

Sida ay sheegayaan Wararka aanu ka heleyno Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Waxaa Goordhow halkaas gaaray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib markii uu ka baxsaday xabsi uu ugu jiray DF oo Muqdisho ku yaalla.

C/rashiid Janan oo ay ilaalo ka hayeen ciidamo Kenyan ah ayaa waxaa Degmada Balad-xaawo si weyn ugu soo dhaweeyay maamulka Degmada, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi oo uu gaaray Jicmihii lasoo dhaafay, waxaana intii uu ku sugnaa Kenya uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo halkaas booqanaya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Kenya ay ku qasabtay C/rashiid Janan inuu deg deg uga baxo dalkeena ka dib markii ay cadaadis kala kulantay heyadaha u dooda xuquuqda aadanaha sida amnesty oo dalbatay in Janan lagu celiyo gacanta DF.

Booqashada Wasiir Janan ku tegay saaka gobolka Gedo ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Somalia ay qeybo ka mid ah gobolkaas geyneysay ciidamo fara badan oo laga duuliyey Muqdisho.

Degmooyinka Luuq, Belad xaawo, Doolow iyo Garbahaarey oo inta badan ay joogaan ciidamada Itoobiya ayaa ka mid ah meelaha laga dejiyey ciidamada dowlada, waxaana u adag in degmooyinkan uu booqdo Janan, iyadoo booqashada uu ku tagay Belad-xaawo ay u suurageliyeen ciidamada Kenya, maadaama ay saaran tahay degmadan xadka Somalia iyo Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -