Madaxweynihii hore ee Kenya oo goor dhow geeriyooday, isagoo 94 sano jir ah

Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi ayaa goor dhow la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida Moi ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenyata isagoo ka hadlayay icaadadda dowlada.

Moi oo da’diisu ay ahayd 94 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, isagoo xilka ka degay sanadkii 2002.

Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.

Moi ayaa dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, isagoo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii.

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.

Sannadkii 1978, waxaa Moi loo dhaariyay xilka madaxtinimada, waxaana Kenya uu maamulayay tan iyo 2002-da.

Moi waxaa uu ka tirsanaa xisbigii waagaas talada dalka hayay ee KANU, oo waxaa ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii isaga ka horeyay ee Jomo Kenyatta, arrintaas oo u sahashay in uu saameyn ballaaran ku yeesho maamulkii xiligaasi jiray ee uu ka tirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -