Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo masuul waxyeelo kasoo gaartay

Waxaa saakay qarax miino oo khasaaro kala duwan geestay magaalada Muqdisho lagula eegtay gaari uu watay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali.

Gaariga Gudoomiye kuxigeenka ayaa qarxay xili uu marayay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley , waxaana wararka qaar ee soo baxaya sheegayaan in qaraxu ahaa miino dhulka lagu aasay halka warar kalana sheegayaan in qaraxa gaariga ku xirnaa .

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay labo askari oo saarnaa gaariga qaraxa lagu weeraray, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee degmada Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali.

Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka qaadeen ciidamadii ku dhintay qaraxaasi iyagoo sidoo kale goobta ka sameeyay baaritaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -