Xasan Sheekh oo Baaq Muhiim ah kasoo saaray Xaalada Murugsan ee Galmudug

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isku tanaasul si loo helo Galmudug loo dhan yahay.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in dhibaato badan laga soo maray dhismihii hore Galmudug la isuna keenay maamulo magac ahaan u jiray iyo kuwa si rasmi ah u jiray, waxa uuna hada ku baaqay in la dejiyo xaaladana lana joojiyo hadalada xanafta leh.

Halkan ka akhriso Baaqa Xasan Sheekh

Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya.

Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug.

Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u badnaa. Kuwo magac ahaan u jiray iyo dhab ahaan u jirayba.

Dadka reer Galmudug wada xaajood dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in laga TANASULO oo la mideeyo maamulladii jiray xilligaas.

Maanta waxaan rajeynayaa in Galmudug aaney dib ugu noqon meeshii ay ka timid.
Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan FURSDAHA faraha badan ee ka jira degaannadooda.

Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn.

Guul iyo Nabad dhammaan degaannada iyo dadeynaha reer Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -