Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo beeniyay warar been abuur ah oo la faafiyay

Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) oo goor dhawayd saxaafada la hadlay ayaa iska fogeeyay in safaarada Somaliya ee Dalkaasi, aysan mas’uul ka ahayd dhaawacyadii halkaas la geeyay bishii hore 30-keedii Qaraxii Ex-kontarol afgooye.

Waxa uu sheegay in aysan jirin warar saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada la isla dhexmarayay oo ahaa in ay Xoog ku celinayaan dhaawacyadii bishii hore la geeyay Turkiga ee Qaraxii Ex-kontarool afgooye, taas oo uu sheegay inaysan waxba ka jirin.

” waxaan shirkaan jaraa’id u qabanay inaan kaga hadalno sadax Qodob, dadkii cafimaadka loo keenay oo ay Dowlada Turkiga Keentay labada jeer, waxaan cadaynayaa in ay dowlada Turkiga aad iskaga xil saartay, dadkii Turkiga ahaa ayaa laga hor mariyay caafimaadkooda, Dowlad Safaarad iyo shacab waxaan dul taagneen maalin kasta, xataa lacago ayaan u aruurinay” Dowlada Turkiga aad uga Mahad Celinayo”ayuu yiri Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo la Hadlayay saxaafada, waxa uuna Gaashaanka u daruuray in ay jirto dad xoog lagu Celinayo.

” Madaxweynaha Turkiga ayaa caawinaadaas Fidiyay waana uga Mahad Celinaynaa. Diyaarad u diray, dadkaas Deg dega ku Yimid, qaarkood ma wataan Pasaporo,Viso kuma imaan. waxaan safaarad ahaan shaqo aan ku leenahay maahan, laakiin waa dad Soomaaliyeed waan Kormeernaa Wixii adeeg ah ka safaarad ahaan waan u qabanaa, laakiin Go’aanka in ay caafimaadkooda dhameesteen oo Dalkii lagu Celinaayo waxaa iska leh Dowlada Turkiga iyo wasaarada caafimaadka Turkiga”ayuu Mar kale yiri Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) oo qadka taleefanka Iigu Waramay mar aan arintaas wax ka waydiiyay.

” Ardayda Soomaaliyeed oo Turjubaano ah ayaa la joogtaa, safaarada shaqo kuma laha, Taqtarka qaabilsan ayaa ka Hadli kara arintaas, waxa uu warqad u Qorayaa Wasaarada caafimaadka dalka Turkiga, kadibna waxa uu Ogeysiinayaa in Bukaankan uu dhameestay Howlihii inta loo Keenay dalkana uu ka Bixi karo ama la Celin karo, waxay la soo Xiriirayaan safaarada waxayna noo sheegayaan Bukankas Hebel la yiraah in uu dhamestay cafimaadkii loo keenay, ayaga ayaa Tigit u jar si dalkiisii loogu Celiyo, marka waxay Naga Codsadaan in aan la gayno Airaporka oo aan la ogaano, waxayna Noo sii sheegaan in bukankan uu dhamestay Howlihii, safaarada shaqo kuma lahan Celinta dadkaasi, shalay anagu Viso dal ku gal ah uma soo saarin”ayuu yiri Danjire Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) oo arintaas mar kale si kulul uga Jawaabay. ”

Wararka Been abuurka ah ee Safaarada ayaa ka danbaysa arintaas ayaan Beeninayaa. waayo taqtarka qofka bukanka ah Mas’uulka ka ahaa ayaa dib u Celintaas go’aankeeda iska leh, marka dadka Somaaliyeed sidaas ayaan u sheegayaa in uu shakiga ka baxo, hadii safaarada nalaga Tashanayo ha Joogaan ayaan dhihi lahayn”ayuu yiri mar kale Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) .

” Mamo shariifo iyo labadeeda gabdhood uguma horeeyaan dad la Celiyo, horaa dadkaan loo Celin jiray markii daawada u dhamaato, wasaarada caafimaadka Turkiga ay ku qanacday in dadkaan dalkooda loo Celin karo caafimaadkoodana uu ka roon yahay sidii hore, habeen hore ayaan dad kale Celiyay, ma ahan dadkii ugu horeeyay oo aan Celino, wasaarada caafimaadka u malaynmaayo in dad caafimaad u baahan in ay Celinayaan”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) . sidoo kale Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo laga bad badiyay.

Arintaan ayaa imaanaysa Xili hoyo iyo caruurteeda muqalo xalay laga soo Duubay baraha Bulshada lagu baahiyay kuwaas oo ka Cabanaya ama sheegaya in si Xoog ah loogu Celinayo Muqdisho, Balse safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa arintaas aad u Beenisay.

cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

cabdixakiin441@hotmail.com Tell+254-711830393

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -