Beesha caalamka oo ka walaacsan xaalada cakiran ee ka taagan Maamulka Galmudug

Wakiilada Beesha caalamka u jooga Somalia ayaa walaac ka muujiyay xaaladihii u dambeeyay ee ka soo if baxay geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug intii lagu guda jiray marxaladii u dambeysay ee dadaalkii dheeraa ee loo soo galay in la dhiso maamul loo marayo dib u heshiisiin iyo doorasho.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan jilayaasha in khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal, hadii loo baahdo in waqti kale la qaato, iyo in ay ku hagaan hadafka midnimada iyo xasilloonida dowlad goboleedka Galmudug ayna ka fogaadaan in la bilaabo howlo kale” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay beesha caalamka.

“Sidoo kale Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka Baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, murashaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, dhinacyada ku uruursan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka inay marqaati ka noqdaan geedi-socod loo dhan yahay oo hufan” ayaa sidoo kale lagu qoraalka beesha caalamka.
Beesha caalamka ayaa sheegtay in loo baahan yahay tanaasul ka yimaada dhinacyada ay khuseyso dhismaha maamulka Galmudug taasoo ay sheegeen iney tahay wadad kaliya ee xal lagu gaari karo.

Hadalka beesha caalamka ayaa ku soo aadaya xili uu burbur qarka u saaran yahay dedaalkii dowlada Somalia ugu jirtay in lagu dhiso maamul middeysan oo ay yeelato Galmudug, ka dib markii ay ka hor yimaadeen khilaafaad aan dhamaad laheyn oo marba weji cusub la soo baxaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -