Shirweynaha Cilmi baarista Jaamacadda Himilo oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Waxaa maanta si rasmi ah uga fumay magaalada Muqdisho Shirweynaha Cilmi baarista Jaamacadda Himilo oo ka mid ah Jaamacadaha ka hana-qaaday dalka.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumada Somalia, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka, bahda waxbarashada, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Himilo Ustaad C/kariin Aadan Xuseen (Fagaase) oo munaasabadaas hadalo soo dhoweyn ah ka jeediyey ayaa ka waramay ujeedada ay jaamacadu ka leedahay abaabulka shirweynahan oo socon doono muddo labo cisho ah.

“Jaamacadda Himilo markii ay aragtay dhibaatooyinka ka jira dalka oo qaarkood xal loo la’yahay waxay garatay iney qabato shirweynahan si aqoonyahanada Soomaaliyeed loogu dhiirigeliyo iney ku soo bandhigaan cilmi baarisyo ku saabsan xaaladaha ka jira dalka, taasoo horseedeysa in xalkooda la helo” ayuu yiri guddoomiyaha oo u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha shirweynahan.

Agaasimaha Waaxda Hidaha iyo Tacliinta sare, Wasaarada waxbarashada Xukuumada Somalia Ismaaciil Yusuf Cismaan ayaa si rasmi ah u furay shirweynaha cilmi baarista isagoo ka hadlay muhiimada ay shirarka noocan u leeyihiin bahda waxbarashada.
“Cilmi baaris waa in la baaro dhibaato jirta oo bulshada heysata, ka dibna la raadiyo xalkii looga gudbi lahaa, Wasaarada waxbarashada iyadoo ka duuleysa dhibaatooyinka ka jira waxay had iyo jeer dhiirigelineysaa kulamada noocan ah ee lagu soo bandhigayo cilmi baarista si wax looga qabto dhibaatooyinkaas” ayuu yiri agaasimaha oo u mahad celiyey bahda Jaamacadda Himilo ee soo abaabulay shirweynahan, isagoo ku amaanay kaalinta ay qaadanayaan horumarka tacliinta sare ee dalka, wuxuuna ugu baaqay aqoonyahanada gaar ahaan jaamacadaha dalka iney sii xoojiyaan cilmi baarisyada noocan ah si looga faaiideysto.

Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia oo ku dheeraaday kaalinta cilmi baaristo kaga jirto xal u helida dhibaatooyinka ka jira dalka.

“Jaamacad aan sameynin cilmi baaris runtii jaamacad lama dhihi karo, waxaana ku amaanayaa jaamacada Himilo sida ay iskugu taxluujisay shirweynahan waana talaabo weyn oo mudan in looga mahadceliyo” ayuu yiri Prof. Dufle oo ka sheekeeyey cilmi baarisyadii ugu waaweynaa ee dalka laga sameeyey xiligii beri-samaadkii, kuwaasoo uu xusay iney horseed u noqdeen in xal loo helo mashaakilaad badan oo bulshada heystay, isagoo aqoonyahanada hadda jooga ugu baaqay iney u istaagaan sidii bulshadooda ay uga samata bixin lahaayeen dhibaatooyinka jira.

Siyaasiyiin Aqoonyahano, culimaa’udiin ayaa maalinta koowaad shirweynahan ku soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo ay ka sameeyeen xaaladaha ka jira, sida arrimaha siyaasada, doorashooyinka, Caafimaadka, Waxbarashada, Dhaqaalaha, ilaalinta diinta iyo dhaqanka suuban, xuquuqda caruurta iyo qodobo kale oo aad loo falanqeeyey.

Aqoonyahanada iyo xubnaha Cilmi baarista soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, horeyna u soo noqday Raisul Wasaare ku-xigeen iyo Wasiir, Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda New Generation ee ka jirta Somaliland Mustafe Mohamud Abdullahi, Agaasimaha Akademiyada Jaamacadda Somvilla Hussein Shire Jimcale, Agaasimaha Guud Isbitaalka Shaafi ahna Hormuudka kuliyadda Caafimaadka Jaamacadda Benadir, Prof.Dr.Tahlil Abdi Afrah, masuul ka tirsan Wasaarada waxbarashada Somalia oo la yiraahdo Dr. Abdishakur Shiikh Hassan iyo aqoonyahano kale oo fara badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Jaamacadda Himilo ahna Gudoomiyaha gudiga Qabanqaabada Shirka Cilmi baarista Prof. Mohamed Hassan Kamal ayaa soo xiray Maalinta koowaad ee shirweynaha, iyadoo maalinta beri ah oo ah maalintii labaad ay sidoo kale aqoonyahano kale soo bandhigi doonaan Cilmi baarisyo kale, ka hor inta aan la soo gebagebeynin shirweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -