Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney ka qeyb galeysay Tartan cunto Cunis ah oo si lama filaan ah u geeriyootay

Haweeney u dhalatay dalka Australia kana qeyb qaadaneysay tartan cunto cunis ah ayaa si lam afilaan ah u suuxday kadibna u geeriyooday xili ay cuneysay raashinkii cunistiisa lagu tartamayay.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Ausralia haweeneydan oo magaceeda la qariyay ayaa ka qeyb galeysay tartanka cunto cunista gaar ahaan doolshada, waxaana haweeneydan durba xaalkeeda isbadalay markii ay bilowday cunista doolshada.

Haweeneydan ayaa markii ay ku suuxday goobtii ay tartanka uga qeyb galeysay ayaa loola cararay isbitaal si loogu daweeyo, hasa ahaatee haweeneydaasi ayaa nasiib daro ku geeriyootay isbitaalka la dhigay.

Dad ku sugnaa goobta uu tartanku ka dhacayay ayaa sheegay in haweeneydan markii ay suuxeysay ay afka galisay mid kamid ah doolshadii cunisteeda lagu tartamayay, waxaana markii ay dhacday goobta laga dareemay xaalad argagax leh.

Dalka Australia waxaa caan ka ah tartanka cunto cunista , waxaana tartankan la qabtaa maalinta fasaxa iyadoo lagu maamuuso dadkii reer Yurub ee ugu horeeyay ee tagay dalka Australia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hadal uu ka dhawaajiyay Wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya oo hadal heyn abuuray

Cabdi Cade

Xagee ku Dambeeyaa Dagaal Siyaasadeedka u dhaxeeya Khadiijo Diiriye iyo Baarliin Biin

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay Weerarka lagu qaaday xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---