Erdogan oo la caleemo saaray, balan-qaad adagna u sameeyey shacabka Turkiga (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu dhaariyey xarunta Baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara.

Erdogan ayaa magaalada Ankara waxaa lagu galbiyey baabuurta madaxtooyada iyadoo dadweyne fara badan ay wadooyinka tuban yihiin, waxaana markii uu tegay xarunta baarlamaanka sacab ku soo dhoweeyay xildhibannada cusub ee Baarlamaanka oo hortooda uu ku dhaartay.

Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan oo khudbad ka jeediyay munaasabadii caleemo saarkiisa ayaa ka hadlay qorshihiisa mustaqbalka uu dalka ku hoggaamin doono.

“Waxaan howsha ku bilaabayaa Bismillaahi, waxaana Alle ka baryaa inuusan igu ceebeyn shacabkeyga” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Erdogan, isagoo sheegay in danta guud ee Jamhuuriyadda Turkiga uu ka hormarin doono wax kasta oo kale.

Wuxuu ballan qaaday in Turkiga ku socon doono dariiqa horumarinta iyo xoojinta dimoqraadiyadda, lana xoojin doono amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoo balan qaaday inuu si isku mid ah ula dhaqmi doono muwaadiniinta Turkiga kuwa doortay iyo kuwa aan dooranba.

Calaamo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Recep Tayyip erdogan  ayaa waxaa ka qeyb galay 22 hoggaamiye oo caalamka ka socda.

Madaxda caleemo saarka madaxweyne Erdogan ka qeyb galeysa, waxaa ka mid ah:

Madaxweynayaasha dalalka Bulgaria, Georgia, Macedonia, Moldova, Bosnia, Serbia, Kosovo, Pakistan, Kyrgyzstan, Sudan, Guinea, Zambia, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Somalia, Mauritania, Gabon, Chad, Djibouti, Venezuela iyo Amiirka Qatar.

Sidoo kale, Waxaa caleemo saarka Recep Tayyip Erdogan ka qeyb galay madax kale oo ka kala socota 28 dal oo isugu jira Ra’iisal wasaareyaal, wasiiro arrimo dibadeed iyo madaxweyne ku xigeeno. iyadoo ay qeyb ka yihiin Xoghayeyaasha guud ee Ururrada Islaamka Guddiga Yurub iyo ururro kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -