Dhul-gariir khasaare badan geystay oo ka dhacay dalka Turkiga (Sawirro)

Dhulgariir xoog badan ayaa ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Dhul-gariirkan oo ah kii ugu horreyay ee ku dhufta deegaankaasi ayaa waxaa uu dadka ku riday argagax xooggan waxaana la sheegay in xitaa laga dareemay dalalka dariska la ah sida Suuriya, Lubnaan iyo Iran, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashadu ay soo kororto.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof ay dhinteen shan boqol oo qof oo kalena ay dhulgariirka ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararaya waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa loo diray gudaha iyo banaanka deegaankaasi.

Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn dadka ku xayitan dhismooyinka buburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -