Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland & Mohamed Ali Guyo? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.

Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Deni oo maalmo ka hor gaaray Nairobi ayaa halkaas ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadabayo safiiro iyo wakiilada beesha caalamka.

Kulamadii ugu dambeeyey ayuu deni la qaatay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -