Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Xeradii tababarka ee ay ka baxeen Imaaraadka (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kormeeray galabta Xerada Gen. Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka.

Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa khudbad u jeediyay ciidankii ay Imaaraadku gacanta ku hayeen, wuxuuna sheegay iney ka mid yihiin ciidanka Xoogga dalka isla markaasna uu waajibaad ka saaran yahay difaaca dalka, dadka iyo diinta.

Taliyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in markasta ciidanku aaminaan iney u dagalamayaan difaaca karaamada iyo qarannimadda waddankooda.

Ciidanka ayaa dhankooda balan qaaday iney ilaalin doonaan nidaamka ciidan ee waddanka u yaal waxa kale oo ay sheegeen iney mar kasta ku weyn tahay waddanimada iyo difaaca dalka.

Taliyaha ayaa marka uu dhammeeyay kulanka uu la qaatay ciidankan iyo taliyaashooda wuxuu kormeer ku maray dhammaan xerada wuxuu soo arkay gaadiidka xerada yaala iyo isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka aloosan Belad-Xaawo iyo Khilaaf soo kala galay Fahad Yaasin & Muudey

Caydiid Ali

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

DFS oo war kasoo saartay Dagaalka Raaskabnooni iyo sida uu ku bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---