Jen. Odowaa oo Balidoogle kula kulmay ciidamada Danab & kuwa Maraykanka (Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle oo ay degan yihiin guutada 16aad Ciidamada Kumaandoska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo ciidamo Maraykan ah.

Taliyuhu wuxuu Kulamo la qaatay, Saraakiisha iyo Ciidamada Danab iyo kuwa Maraykanka ee saldhigaas jooga isagoo ku boggaadiyey guulaha joogtada ah ee ay kasoo hoyaan, Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaalkooda, isagoo warbixino ku saabsan qaabka ay u socdaan howlgalada iyo tababarada la siiyo ciidamada ka dhegeystay saraakiisha saldhigaas ku sugan.

Jeneraal Odawaa ayaa kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka.

Saldhiga Bali-doogle oo ku yaalla duleedka degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa degan ciidamo Maraykan ah iyo kuwa Soomaali ah oo halkaas ka abaabula howlgalada iyo duqeymaha dayuuradaha Droneska ee ka dhan ah Al-shabaab, sidoo kale ciidamada Maraykanka ayaa saldhigaas ku tababara ciidamada gaarka ah ee kumandoska Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -