Xildhibaan Khalad la galay ku tilmaamay in Ahlu Sunna Xildhibaano laga siiyay Galmudug

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa hada heer gabo gabo ah maraya, waxaana kaliya harsan in Baarlamaanka cusub doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug.

Waxaa hada soo baxay khilaaf ay horseed u yihiin Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala Baarlamaanka Galmudug kuwaa oo la tilmaamay in hada caqabad ku yihiin in horey loo sii socdo si loo helo Galmudug loo dhan yahay.

Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 20-xubnood ayaa kahor yimid Hogaanka Guddiga doorashada iska dhax doorteen, kadib markii laga diiday in doorasho la’aan la siiyo hogaanka guddiga doorashada maamulaya.

Xildhibaan Cabdiraxiin Axmed Bariise oo katiran Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaanada Galmudug lagu qeybsaday qabiil ayna aheyd khalad la galay in koox laga siiyo xubno badan oo iyaga u gaar ah.

”Saad ogtihiin Xildhibaanada Galmudug ee ka kooban 89-ka Xubnood qabiil ayaa lagu qeyb saday, Galmudug kama jiraan xisbiyo iyo kooxo, waxaaba Khalad aheyn in markii hore Ahlu Sunna 20-Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka, kooxdan maahan koox ka shaqeeneysa danaha Galmudug, waxa ayna rabaan in meesha hada la joogo la taagnaado ama dib loo noqdo, Baarlamaanka sharci uu leeyahay cod ayaa lagu kala baxaa, marka waxaan leeyahay codkiina wax ku goosta ee isbaarada ka dhaafa Baarlamaanka  ” ayuu yiri Xildhibaan Bariise.

Xildhibaan Cabdiraxiin ayaa sheegay in Dowlada federaalka dhib badan kasoo martay dhismaha Galmudug, waxa uuna tilmaamay in reer Galmudug xiligan aysan rabin dib u dhac balse rabaan in horey loo socdo maamulka la dhisaya noqdo mid guuleesta.

Waxa uu ugu baaqay Musharaxiinta Mucaaradka in ay joojiyaan niyad jabka ay shacabka galinayaan, waxa uuna kula taliyay in aysan isku haleyn iskuna koobin 20-Xildhibaan oo meel ku xiran balse soo dhax galaan Xildhibaanada intiisa kale codkana ka raadsadaan.

”Musharaxiinta Galmudug waxaan leeyahay noqda kuwa u yimid in dadkooda samata bixiyaan, ha noqonina kuwa niyad jab dadka galiya, Baarlamaanka waxa uu ka kooban yahay 89-Xildhibaan soo dhax gala oo kasbada balse ha noqonina kuwa la safan koox gaar ah oo dano kale wadata” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxiin.

Ugu Dambeyn Xildhibaanka ayaa rajo wanagasan ka muujiyay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay si wanaagsan ku dhacdo, waxa uuna reer Galmudug ugu baaqay in niyada dhistaan soona dhaweeyaan cidii loo doorto Hogaanka sare ee maamulka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -