Madaxweyne Gaas oo looga yeeray dalka Imaaraadka iyo Sababta ka dambeysa

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u duulay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii Madax katirsan dalkaasi ugu yeereen in uu si deg deg ah ugu yimaado.

Diyaarad uu la socday Madaxweynaha Puntland ayaa ka duushay magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Wafdiga Madaxweynaha Puntland gaaraan dalka Imaraaadka Carabta.

Sida aan Wararka ku heleyno Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadleysa Xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Soomaaliya iyo Imaaradaka, xiisadan ayaana saameyn ku yeelaneysa  Puntland oo xiriir hoose la leh Imaaraadka.

Dowaldda federaalka iyo Imaaraadka ayaa khilaafkoodu marayo heerkii ugu xumaa, Imaaraadka ayaa kala baxay shaqaalahoodi Muqdisho, sidoo kale waxay joojiyeen taageeradii ay siin jireen Ciidanka Soomaaliya, waxaana ay xireen isbitaalkii ay gacanta ku hayeen.

Imaaraadka Carabta ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan Madaxda maamul goboleedyada ay ugu horeyso Puntland si ay uga dhaadhiciyaan in ay cadaadis saaraan Madaxda dowlada Federaalka  Soomaaliya .

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo dalka Imaraadka Carabta ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, waxaana xiisadan saameyn badan ku yeelaneysaa maamulka Puntland oo xiriir dhaw la leh dalka Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -