Allbanaadir.com
NEWS

Magaalo Taariikhi ah oo lo qorsheenayo in uu ka dhaco feerka Elon Musk iyo Mark Zuckerberg

Waxaa la qorsheenayaa in dhawwaan qabsoomo tartan feer taariikhi ah oo u dhaxeeya labada bilyaneer ee ku xifaaltama baraha bulshada, waa milkiilaha shirkada Meta iyo sidoo kale milkiilaha Twitterka.

Labadan nin ayaa ku ballamay in la qabto tartan feer oo dhax mara, waxaana wali la shaacin magaalada iyo goobta rasmiga ah uu ka dhacayo feerkan iyo sidoo kale waqtiga labadan maalqabeen ay feertamayaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in feerka u dhaxeeya Elon Musk iyo Mark Zuckerberg uu ka dhaco magaalada taariikhiga ah ee Roma, halkaas oo la sheegay in loo badinayo in ay labadan nin ku feertamaan.

Wasiirka dhaqanka ee dalka Talyaanigu ayaa sheegay in Jimcihii in uu milkiilaha shirkada Tesla Elon Musk kala hadlay martigelinta bandhiggaas feerka ah , oo loogu talagalay dhaqaalaha kasoo baxa in lagu caawiyo isbitaalada carruurta.

Si kastaba feerkan dhax mari doono labadan milkiile ee Facebook iyo Twitterka oo si weyn loo wada sugayo ayaan wali la cadeyn waqtiga rasmiga ah uu dhacayo, waxa ayna labadan nin muddooyinkii dambe hawada isku marinayeen farriimo hanjabadayo ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Maaliyadda oo Washington DC kulan muhiim ah kula qaatay Mahmoud Mohieldin

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo ka digay Hab dhaqanka qaar kamid ah Masuuliyiinta dowladda

Cabdi Cade

Dowlada oo amarro culus oo is qilaafsan kasoo saartay COVID-19 shegtayna in la joojiyay waxyaabo badan !!

admin
Taboola Ads ---