Qaabka Telefishinadu u soo tebiyaan Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo la dhaliilay

Waxaa isa soo taraya cabasho xooggan oo shacabka Muqdisho ka muujinayaan habka Telefishinada Soomaalida qaarkood u soo tebiyaan ciyaaraha maamul goboleedyada ee ka socda garoonka Konis Stadium.

Telefishinka dowlada SNTV iyo kan gaarka loo leeyahay ee Universal TV oo ah labada telefishin ee loo ogolaaday in toos looga daawado ciyaarahan ayaa waxaa loo jeedinayaa dhaliilo ku aadan habka ay u soo daayaan ciyaarahan oo muuqaal ahaan aan wanaagsaneyn marka la barbar dhigo telefishinadii localka ahaa ee loo diiday in ciyaarahan ay bulshadu ka daawadaan.

Waxyaabaha bulshadu ku dhaliilayaan labada telefishin ayaa waxaa ka mid ah mugdi iyo aragtida oo aan fasiix aheyn, kaamirada oo aan sidii loogu talo galay loola raaceyn halka ay kubadu jirto iyo kaamiro-maanada garoonka jooga oo aan xirfad  u laheyn habka loo tebiyo Ciyaaraha noocan ah.

Telefishinada localka ah sida ASTAAN-TV iyo kuwo la mid ah oo si toos ah u soo tebin jiray ciyaarahan, dadkuna ay si weyn u jecleysteen habka tebibtooda ayaa laga mamnuucay Tartankan.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga iyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa si Wadajir ah u soo saaray amarka looga joojiyey tebinta ciyaarahan iyadoo shuruud looga dhigay iney lacag bixiyaan.

Telefishinada localka ah ee la diiday ayaa soo tebinta ciyaaraaha u isticmaali jiray kaamirooyin casri ah oo ay ku jiraan kuwa lagu lagu xiro qalabka Droneska ee dusha sare wax ka sawira iyo qalab kale oo ku jecleysiinaya daawashada ciyaaraha, kuwaasoo ay Maamulayeen dhalinyaro la soo tababaray oo xirfad sare leh, waxayna arrimahan sababeen iney soo jiitaan daawadayaasha ugu badan ee shaashadaha kala socday ciyaaraha.

Niyad jab fara badan ayaa ka muuqata shacabka ku nool xaafadaha magaalada Muqdisho kuwaasoo aan ku faraxsaneyn habka haatan telefishinada qaar u soo tebiyaan ciyaarahan oo ay jeclaan lahaayeen in wax badan laga bedelo ama teleshinada localka ah ee xirfada u lahaa loo fasaxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -